Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Karaash oo kulan wada yeeshay

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka dib markii ay ka wada qeyb galeen Xafladii Caleema-Saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Farmaajo iyo Karaash ayaa kulankooda diirada […]

Published

on

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka dib markii ay ka wada qeyb galeen Xafladii Caleema-Saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Farmaajo iyo Karaash ayaa kulankooda diirada ku saaray arimaha Dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland qaabkii ay iskula jaanqaadi lahaayeen xagga geedi socodka Siyaasadda maadaama Axmed Karaash iyo Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Puntland ay ku Cusub yihiin xilalka Maamulka Puntaland.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qorool kooban oo uu kagahadlay kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Dowladda dhexe ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidan ayuuna uqornaa”Waxaan kulan is xog waraysi ah wada yeelanay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo aanu ka wada qayb galnay caleema-saarkii madaxweyna KGS”

 

Madaxda cusub ee Maamulka Puntland ayaa waxaa laga dhursugayaa qaabkii wada shaqayn ula yeelan lahaayeen Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version