Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Lafta Gareen oo islameeldhigay Qorshahii Al shabaab lagu wajihilahaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa isla qorsheeyey qaabkii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed goobaha ay ka maamulaan Al shabaab. Farmaajo iyo Lafta Gareen ayaa isla gartay qorshihii lagu wajihi lahaa dagaalka looga saarayo Al shabaab deegaanada Maamulka Koonfur […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa isla qorsheeyey qaabkii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed goobaha ay ka maamulaan Al shabaab.

Farmaajo iyo Lafta Gareen ayaa isla gartay qorshihii lagu wajihi lahaa dagaalka looga saarayo Al shabaab deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed goobaha ay kaga sugan yihiin Maleeshiyada Al shabaab.

Labadan Madaxweyne ayaa sidoo kale diirada ku saaray kulankooda sidii loo nabadaynlahaa oo amni la isku halayn karo looga soo dabaali lahaa wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo hadda wadadaas si buuxda ay umaamulaan ugana socdaalaan Kooxda Al shabaab.

Dhinaca kale Lafta Gareen iyo farmaajo ayaa isla dejiyey arimo kale oo ku aadan dib uheshiisiinta Bulshada wax kala tabanaysa ee ku nool seddaxda Gobol ee Maamulkaas uu ku magacaaban yahay.

Shirkan oo lagu gorfeeyey qodobo muhiim ah ayaa waxaa uu qabsoomay intii Madaxweyne Farmaajo uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo sida boggiisa Twitter-ka uu ku soo qoray Lafta Gareen waxaana uu yiri”Intii uu Madaxweyne Farmaajo ku sugnaa Magaalada Baydhabo Waxaan ka wada hadalnay sidii loo qaadi lahaa howlgalo mideysan oo lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab Sidoo Kalana la iskugufuro deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee hadda kala xayiran iyo in xoogga la saaro dib u heshiisiin dhab ah oo la dhex dhigo shacabka KG” ayuu qoraalkiisa ku soo koobay Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version