Wararka Soomaalida
Farmaajo iyo Museveni oo arimo isla meel dhigay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni waxayna labada Madaxweyne ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo amuuraha guud Soomaaliya iyo sidoo kale arimaha labada dal dan-wadaagta ka yihiin sidii loo adkayn lahaa.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhankiisa ubalanqaaday Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu kala shaqaynayo arimaha danaha labada dowladood ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa umahad celiyay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni sida sharafta leh ee uu ubalanqaaday xoojinta danaha labada wadan oo ah ka wada shaqaynta dhinaca amniga iyo siyaasadda maadaama Uganda Ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya.
Ciidamada ka socda Uganda iyo kuwa kale ee wadamada Africa ka socda ee AMISOM ayaa dhaqaalo xoog leh ku qaata howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ay ujoogaan waxaana wararka qaar ay sheegaan in halkii askari ee AMISOM ah mushaar u qaato lacag dhan $12000 Kun oo dollar halka askariga Soomaaliya uu qaato $200 oo dollar.
Dagaalka ay wada galaan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa laba jibaar dhimasho iyo dhaawac badan kuwa Soomaaliya iyadoo intaas udheer tahay daryeel la,aanta ay la kulmaan Ciidamada soomaaliya inkastoo hadda dowladda Farmaajo Madaxweynaha ka yahay arimahaasi waxweyn ka bedeshay sida daryeelka Ciidamada oo sare loo qaaday iyo Mushaarka Ciidanka Qaranka oo la kordhiyay.
Yoweri Museveni iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadooduba waxay ka mid yihiin Madaxweyniyaasha lagu casuumay shirka ay soo qabanqaabisay QM ee looga hadlayo arimaha horumarinta dad weynaha iyo sanduuqa horumarinta Haweenka ee maanta ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyniyaasha shirkaas ay ka wada qayb galeen isagoo kala hadli doona arimaha Guud ee Soomaaliya.