Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Museveni oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka mid ahaa Madaxdii ka qayb gashay shirkii Midowga Africa ee lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.   inkastoo wax badan aan laga ogayn wax yaabaha […]

Published

on

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka mid ahaa Madaxdii ka qayb gashay shirkii Midowga Africa ee lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

 

inkastoo wax badan aan laga ogayn wax yaabaha ay ka wada hadleen labadaan hogaamjye ayaa haddana waxaa la saadaalin karaa in kulankooda uu ku saabsanaa wada shaqaynta iyo adkeynta xiriirka saaxiibtanimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Yuweri Museveni Madaxweynaha dalka Uganda ayaa waxaa Ciidanka ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya ee ku howlgala magaca Midowga Africa ee Amisom.

Dhowaan Yuweri Museveni wuxu sheegay in Soomaaliya aaney ka jirin wax nidaam dowladeed ah hadalkaas oo aad looga xumaaday dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ee ka soo laabtay shirkii Addis Ababa ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version