Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Putin oo ku wada kulmay Sochi.

Published

on

Shirweynaha iskaashiga Ruushka iyo Africa oo si hordhac ah ugu furmay magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa waxaana Soomaaliya shirkaasi ugu qayb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa arimaha maalgashi ee Ruushka iyo Africa waxaana ka qayb galay intabadan hogaamiyaasha Africa iyadoo Madaxweyne walba halkaasi uu ku soo bandhigi doona horumarka ka jira dalkiisa iyo dadkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaasi kula kulmay Madaxweynaha martida loo yahay ee Ruushka vladimir putin iyagoo arimo dhowr ah ka wada hadlay.

Shirweynahan ayaa wuxuu yahay mid lagu horumarinayo xiriirka ay qaaradda africa iyo Ruushka Soomaaliya wuxuu u yahay madal ay kusoo bandhigno fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

Shirkan ayaa maalinta beri ah wuxuu si rasmi ah ugu furmi doonaa magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Trending

Exit mobile version