Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Uhuro oo ka wadahadlay arimaha badda

Published

on

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham buuxa ka dib dood dheer oo dhaxmartay.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo midda shacabka.

Madaxweynayaasha waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta is Afgaradka haatan la gaaray.

Waxaa kaloo xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aanka kiisa badda loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka taasoo la isku waafaqay.

Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.

Trending

Exit mobile version