Wararka Soomaalida

Farsamo cusub oo kasoo maaxday dhalinyarada Cadaado+sawiro

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu soo badhigay farsamo cusub oo ka soo maaxatay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaaladaas. Farsamadaas ka soo maaxday dhalinyarada Cadaado ku nool ayaa waxay tahay ka dib markii ay sameeyeen gawaari gacan ku samaysa ah iyadoo aaney Warshad iyo qalab casri ah midna haysan. […]

Published

on

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa lagu soo badhigay farsamo cusub oo ka soo maaxatay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaaladaas.

Farsamadaas ka soo maaxday dhalinyarada Cadaado ku nool ayaa waxay tahay ka dib markii ay sameeyeen gawaari gacan ku samaysa ah iyadoo aaney Warshad iyo qalab casri ah midna haysan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan ayaa waxay ka shaqeeyaan xarumaha lagu cilad bixiyo gawaarida ka dibna waxaa ku dhalatay inay sameeyaan Gawaari nooca yar yarka ah.

Gawaaridan ay gacmahooda ku sameeyeen ayaa waxay yihiin kuwo shabaha amba u eg moota Bajaajka oo kale bar gaabnidooda markii loo eego iyo xagga isteerinka iyo qaabka usamaysan yihiin.

Dhalinyaradaas ku nool Magaalada Cadaado ayaa gawaaridaas waxay ku sameeyeen Garaashyada ay ka howlgalaan waxayna isku Alxameen amba isku dhedhejiyeen Biraha noocyada isku eg ee is qaadankara ka dibna waxay ku xireen Matoor iyo lugaha Gawaarida.

Shacabka ku nool cadaado ayaa soo dhaweeyey farsmadaas cusub iyo fikirka ay la yimaadeen dhalinyarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version