Wararka Soomaalida
Fatahaada wabiga Shabeele oo ka hortagis lagu bilaabay
Ka dib markii dhawaan fatahaad uu ku sameeyay Wabiga Shabeele qeebo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa arinkaas dadaal dheeraad ah ugalay sidii loo joojin lahaa xowliga Biyaha fatahaada ee Wabiga uu wado maamulka Gobolka Shabeelaha hoose.
Deegaanada uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa waxaa ka mid ah degmada Afgooye iyo deegaanada kala ah Sabiid-Caanoole iyo Bariire ee shabeelaha Hoose iyadoo badi bulshadii halkaas ku nooleed ay ka barakaceen fatahaada Wabiga uu ku sameeyay.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo ku xigeenadiisa ayaa dhawaan booqday deegaanada sida aadka ah ugu fatahay Wabiga waxayna usheegeen bulshada in xaalada adag ee fatahaada waxweyn ay ka qaban doonaan.
Maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa maanta jawaanno carro ah oo lagu celinayo fatahaadda Biyaha Wabiga Shabeele u qeebiyay dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaada ee ku dhaqan Degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoos yimaada si ay iskiiga celiyaan daadadka Biyaha ee Wabiga uu samaynayo.
Ibraahim Aadan Cali Najax oo dhawaan balanqaad usameeyay bulshadii Wabiga uu ku fatahay ka dib markii uu booqday ayaa maanta fuliyay balanqaadkii uu u sameeyay bulshada ee ahaa in inta karaamkiisa ah uu wax ka qabanayo fatahaada Wabiga Shabeele.