Wararka Soomaalida
Gaari iyo Ciidankii saarnaa ee Jubbaland oo wadagubtay iyo Al shabaab oo ka hadlay
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in barqadii maanta Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidanka Maamulka Jubbaland Miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta udhexaysa Magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose. Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen 8 ka mid ah Ciidankii saarnaa gaariga […]
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in barqadii maanta Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidanka Maamulka Jubbaland Miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta udhexaysa Magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.
Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen 8 ka mid ah Ciidankii saarnaa gaariga Miinada ku qaraxday waxaana warku untaas raacinayaa in gebi ahaanba uu gubtay gaarigii ay saarnaayeen Ciidankaas sida Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ay u sheegeen goobjoogiyaal ku sugan aaga Miinada Ciidanka ku haleeshay.
Ciidanka Miinada kulaqaraxday wadada udhexaysa Afmadow iyo Dhoobley ayaa wararka waxay sheegayaan in ay ka yimaadeen Degmada Afmadow kuna wajhanaa Magaalada Kismaayo oo markoodi hore ka yimid sidoo kale Ciidankan ayaa waxaa la tibaaxayaa in ay ka mid ahaayeen Ciidankii Axmed Madoobe amaankiisa sugayey intii uu ku sugnaa Degmada Afmadow iyagoo markii hore Axmed madoobe ka soo raacay Ciidankan Magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Qaraxan ka dhacay wadada isku xirta Afmadow iyo Dhoobley ee ay ku dhinteen Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ka hadlay oo mas,uuliyadiisa sheegtay in iyagu ay ka dambeeyeen Kooxda Al shabaab.
Al shabaab ayaa sheegay in Gaariga Cabdi Bile ah ay saarnaayeen 20 Askari 19 Askari kaga dhinteen qaraxa ay ugaliyeen wadada gaarigiina uu gubtay sida laga baahiyey Idaacad ku hadasha Afka maleeshiyada Al shabaab.
Weerarkan ay ku dhinteen 8 Askari ee Maamulka Jubbaland ah ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib weerarkii Baar-Sanguuni ee Jubbada hoose ka dibna Al shabaab looga dilay weerar kaas jawaab u ahaa 52 oo qaar kood ay ahaayeen Wariyaasha Al shabaab.