Wararka Soomaalida

Gaari ka dhacay Buundada Isha baydhabo oo sababay Khasaaro

Wararka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in galabta Gaari nooca Xamuulka ah uu ka dhacay Buundada Isha Baydhabo bartamaheeda ku taala ka dib markii uu go,ay Xakameeyaha ama Preking Gaariga darawalkiina uu xakamayn waayey awooda gaariga. Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay labo ruux oo mid uu yahay darawalkii Gaariga iyo […]

Published

on

Wararka naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in galabta Gaari nooca Xamuulka ah uu ka dhacay Buundada Isha Baydhabo bartamaheeda ku taala ka dib markii uu go,ay Xakameeyaha ama Preking Gaariga darawalkiina uu xakamayn waayey awooda gaariga.

Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay labo ruux oo mid uu yahay darawalkii Gaariga iyo arday Buundada marayey kolkii ay wax dhacayeen sida aan Wararka ku helnay.

Gaariga ka dhacay Buundada Isha Baydhabo ayaa wararaka qaar waxay sheegayaan in ay leedahay Shirkadda Korontada Baydhabo BEECO ee Magaaladaas ka howlgasha.

Wadada kaliya ee dhaxmarta Magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay mid aad uburbursan mana helin waxa dib udayactir ah tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Soomaaliya 1991kii muddo haatana laga joogo 28 sano.

Rogmashada Gawaarida Soomaaliya laga isticmaalo nooc kastaba ha,ahaadee ayaa waxaa loo aanaynayaa burburka iyo dayaca wadooyinka haysta waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version