World
Gabadh Niqaab xirata oo loo diiday in ay wax kabarato Jaamacad ku taal Wadan Musmlim ah
Gabadh Niqaab xirata ayaa loo diida in ay wax ka barato Jaamacad ku taala magaalada Cairo ee dalka Masar.
Gabadhan oo magaceeda la dhaho Salma ayaa baraha bulshadda soo dhigtay warqad loogu diiday in ay wax ka barato, iskana diiwaan geliso Jaamacada The American University of Cairo.
Agaasimaha Jaamacada George Marquis ayaa Salma u sheegay in maadaama ay xirato Niqaab ayna iska diiwaan gelin Karin barnaamijka Kaalinta Labaad ee waxbarashadda (graduate program).
Sidoo kale Salma ayaa loo sheegay in aan loo ogoleyn in ay gebi ahaanba in ay timaado Xarunta Jaamacada.
Arrintan Salma loogu diiday in ay wax ka barato Jaamacada (The American University of Cairo) ayaa aad loola yaabay. Jaamacadan ayaa ku taala dal Muslim ah, balse waxaa Jaamacada laga leeyahay dalka Mareykanka. Sababta gabadhan Jaamacada loogu diiday ayaa ah Niqaabka ay xirato iyo sida ay ugu dhaqmayso diinteeda.
Waxaa aad loo la yaaban yahay in wadan Musmil ah Jaamacad ku taala ay arday Muslim ah oo asturan, diintiisana ku dhaqmaya loo diido in uu Jaamacadaas wax ka baro ama iska diiwaan geliyo.