Wararka Soomaalida
Gabadhii ugu horaysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay Baarlamanka Norway
Maryan Xuseen oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayaa dhowaan tartan u gashay kursi ka banaanaa Baarlamaanka Norway. Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa lagu dhiirigeliyay in ay ka qaybqaataan doorashadda, si ay kursi ugu yeeshaan xubanaha Baarlamanka dalka Norway. Haddaba tartankii loogu loolamay kursiga banaan ayaa waxaa ku soo […]
Maryan Xuseen oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayaa dhowaan tartan u gashay kursi ka banaanaa Baarlamaanka Norway.
Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa lagu dhiirigeliyay in ay ka qaybqaataan doorashadda, si ay kursi ugu yeeshaan xubanaha Baarlamanka dalka Norway.
Haddaba tartankii loogu loolamay kursiga banaan ayaa waxaa ku soo baxday oo ku guulaysatay Maryan Xuseen oo ah Gabar asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya,balse haysata dhalashada wadanka Norway.
Maryan Xuseen ayaa waxay noqotay Gabadhii ugu horaysay ee Soomaaliyeed ee xil sarre ka qabata dalka Norway tan iyo intii bulshada Soomaalida ay tageen dalkaasi Norway.