Wararka Soomaalida
Gabar 14 jir ah oo dacwo ka furatay Maxkamada laas caanood
Maxkamad ku taala Magaalada Laas,caanood ee Gobolka Sool ayaa maanta waxaa dacwo ka furatay Xaawo Cabdi Aadan oo jirta 14 sano. Gabadhan da,da yar ayaa waxay ka dacwooneysaa nin ka da,weyn oo aabaheed uu ku daray waxana maanta la hadashay saxaafadda waxayna sheegtay in si qasab ah aabaheed ugu guuriyey nin ka da weyn iyadoo […]
Maxkamad ku taala Magaalada Laas,caanood ee Gobolka Sool ayaa maanta waxaa dacwo ka furatay Xaawo Cabdi Aadan oo jirta 14 sano.
Gabadhan da,da yar ayaa waxay ka dacwooneysaa nin ka da,weyn oo aabaheed uu ku daray waxana maanta la hadashay saxaafadda waxayna sheegtay in si qasab ah aabaheed ugu guuriyey nin ka da weyn iyadoo aan qaan gaarin waxna laga weydiinin guurkeeda iyo dooqeeda.
Gabadhan yar ee lagu magacaabo Xaawo Cabdi Aadan ayaa ka codsatay Maxkamada laas,caanood in laga furo ninkan guurka qasabka ah ee waalidkeeda ku qasbayo.
Ninka lagu daray Xaawo Cabdi Aadan ee ka dacwoonaysa ayaa waxaa lagu magacaabaa Iftin Cabdi Aadan.
Gudoomiyaha Maxkamadda Laas,caanood Cumar sheekh Maxamed oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in ay qabteen dacwada Xaawo Cabdi Aadan ee 14 jirka ah islamarkaana dacwooneysa in waalidkeeda ay si qasab ah ugu guuriyeen nin ka da,weyn.
Xaawo Cabdi Aadan ayaa horaantii bishii hore waxaa lagu meheriyey Iftin Cabdi Aadan ka dib markii Aabaheed uu siiyey.
Gudoomiyaha Maxkamadda Laas,caanood Cumar Sheekh Maxamed ayaa sheegay in kiiskan go,aan ay ka gaarayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Arrintan ka taagan Laas caanood ma,ahan mid cusub in gabar dooq la,aan lagu meheriyo qof aysan dooranin balse waxaa Soomaaliya ku cusub in Gabar da,daas jirta ay dacwo ku oogto shaqsigii Reerkooda ay siiyeen.