Wararka Soomaalida

Gabar ka dhalatay qoys danyar ah oo caawin loo sameeyay

Published

on

Gabar aad uda’yar oo ka dhalatay qoys danyar ah ayaa waxay caawin iyo garab istaag weyn usamaynjiratay qoyskeeda oo degan kaam ku yaala ka soo horjeedka xarunta Golaha shacabka gaar ahaan Beerta Xoriyadda ee ku taala ka soo horjeedka Taalada Sayidka.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Ifraax ayaa maalin walba iyo subax kasta waxay 20 kiilo oo ah Caaga biyaha ee 20 Letir qaadka ah ku qaadijirtay dhabarka iyadoo damaceedu ahaa inay reerkeeda ku caawiso intii awoodeeda ah waxayna biyahaas ka doonanjirtay masaafo dhan 200 oo mitir iyadoo hor marijirtay taalada Sayidka ama xarunta ay ku shiraan Golaha Shacabka ee loogu talo-galay inay ushaqeeyaan ubadka noocaan ah unasoo dhiciyaan xaquuqdeeda.

Maanta is bedel aad u weyn ayaa ka muuqda Ifraax culeeskii dusha ka saarnaa waxaa ka dajiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday xanuunkeeda waxey yeelatay rajo cusub waxaa u bulowday nolol ka qurux badan tii hore waxbarasho ayay bilowday.

Gabadhaan yar ayaa gadal haynteeda waxay qabsatay baraha bulshada ka dib markii dhalinyaro isxil qaantay usameeyeen caawin dhanka waxbarashada ah.

Trending

Exit mobile version