Wararka Soomaalida
Gabar Meyd ah oo laga helay duleedka Godinlabe
Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa fiidkii laga helay Meydka Gabar 10 sano jira ah iyadoo jirka gabadha uu ka muuqday dhaawacyo la gaarsiiyay ka hor dhimashadeeda sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka ku nool. Magaca Gabadhaas ayaa waxaa lagu sheegay Sagal Garaad Axmed faarax meyd keedana […]
Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa fiidkii laga helay Meydka Gabar 10 sano jira ah iyadoo jirka gabadha uu ka muuqday dhaawacyo la gaarsiiyay ka hor dhimashadeeda sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka ku nool.
Magaca Gabadhaas ayaa waxaa lagu sheegay Sagal Garaad Axmed faarax meyd keedana laga helay Xaafad udhaw guriga ay daganaayeen oo ku yaal duleedka Degmada Godinlabe Sida ay u Xaqiijiyeen Wargayska Tusmotimes bulshada halkaas ku dhaqan.
Meydka Gabadha ayaa la sheegay inuu Ka muuqdo Xarig lagu ceejiyay Qoorteeda lamana sheegin wax kale oo dhaawacyo ah oo ka muuqda jirka Gabadhaas yar ee lagu dilay duleedka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.
Dadka ku nool Godinlabe iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay markii ugu horaysay oo fal nuucaan ah uu ka dhaco Degmada Godinlabe iyo nawaaxigeeda.