Wararka Soomaalida

Gabar Soomaali ah oo Baarashuud diyaarad kaga soo booday+sawiro

Meyran Cumar ayaa waxay tahay Gabar Soomaali ah kana mid ah bulshada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka,waxay horey usoo baratay sida loo ka xeeyo diyaarad muddo ayey ku jirtay barashada wadida diyaarad. Markii ay udhamaatay barashada ka xeynta diyaarad ayaa waxaa lagu doonsiiyey shahaado waxaana loo raaciyey Liisanka diyaarad […]

Published

on

Meyran Cumar ayaa waxay tahay Gabar Soomaali ah kana mid ah bulshada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka,waxay horey usoo baratay sida loo ka xeeyo diyaarad muddo ayey ku jirtay barashada wadida diyaarad.

Markii ay udhamaatay barashada ka xeynta diyaarad ayaa waxaa lagu doonsiiyey shahaado waxaana loo raaciyey Liisanka diyaarad wadada ah.

Nooca diyaarad wadada ee ay soo baratay Meyran Cumar ayaa wuxuu yahay diyaaradaha yar yar ee Hal-Matoorleyda ah,waxayse ku han weyntahay in ay barato ka xeynta diyaaradaha Rakaabka ee ka weyn nooca ay soo baratay sida loo duuliyo.

Meyran Cumar ayaa hadda waxay baraneysaa qaabka loo isticmaalo Baarashuudka markii dhibaato ay timaado diyaarad nooca yar yar ah ayey kaga soo booday Baarashuud si ay utijaabiso qaabka loo soo baray isticmaalka Baarashuudka.

Meyran Cumar ayaa sheegtay barashada Baarashuudka in ay tahay arrin aad u dhib,badan caqabado waa weyna ay kala kulantay bilowgii barashada Baarashuudka,waxayna sheegtay in marka hore ee lagu barayo ku duulista Baarashuudka koox ay kula boodayaan,marka xigtana labo qof Garbaha ay kaa qabanayaan.

Gabadhan Soomaalida ah ee baraneysa Baarashuudka ayaa waxaa kaloo ay sheegtay barashada Baarashuudka inuu yahay mid leh habab cajiib ah,haddii marka koobaad lagu fahamsiiyo sida loo boodo adigoo xiran Baarashuudka haddana waxaa lagu barayaa sida loo soo dego adigoo arkaya sida aad tartiib tartiib ugu soo dagaya dhulka.

Meyran Cumar ayaa waxay ka hadashay waxa ku dhaliyey in ay barato ka xeynta diyaaradaha waxayna sheegtay markii ay aragtay Haweenka Sucuudiga ee loo diiday in gawaari ay ka xeeyaan iyadana ay go,aan ku gaartay in howshan ay gasho si ay wax tar ugu noqoto Haweenka Muslimka ah.

Arrinta Baarashuudka waxay ku keentay in ay barato ayaa waxay ku macneysay ka dib markii ay daawatay Barnaamij ku saabsanaa nin ka mid ahaa rakaab diyaarad soo dhacday oo isku daayey in uu badbaadiyo shacabkii la saarnaa diyaarada ka dibna uu ka mid noqday dadkii shilkaas ku geeriyooday,aqoon xumi ka haystay ninkaas xagga fahanka Baarashuudka awgeed,ka dibna go,aan ku gaartay in ay barato Baarashuudka.

Meyran Cumar hadda waxay baratay sida diyaarad loogu boodo adigoo xiran Baarashuud iyo ka xeynta diyaarad nooca yar yar ah.

Waxay ku howlan tahay sidii ay ubaran la hayd qaabka loo ka xeeyo diyaaradaha rakaabka ah laakiin waxay sheegtay in hal caqabad ka hor taagan tahay.

Caqabadaasoo  ah qarashka lagu baranayo oo gaaraya 100 kun oo dollar iyadana aaney awoodin waxaase intaas raacisay warkeeda in macalamiinta baraya qaabka loo wado diyaaradaha rakaabka ay ku war galiyeen in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ay u, aruuriyaan lacagtan ay ku baran la hayd ka xeynta diyaaradaha rakaabka iyo in dowladda Soomaaliya ay u soo qorto warqad Shirkadda diyaaradaha si loo baro waxa ay dooneyso Meyran Cumar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version