Wararka Soomaalida
Gabar uu dhalay Elman oo Xalane lagu dhax dilay
War goordhow ku soo dhacay war qabadka Wargayka Tusmotimes xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in galabta xerada Xalane gudaheeda lagu dhaxtoogtay Gar ka mid ah gabdhaha uu dhalay Elman Cali Axmed oo Soomaaliya iyo caalamka caan ka ahaa una Ololaynjiray arimaha nabada.
Gabadha uu dhalay Elman Cali Axmed ee lagu dhax dilay xerada Xalane ee Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa Almaas Elman Cali Axmed waxaana mar soo noqotay Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Almaas Elman Cali Axmed ee galabta lagu dhax dilay Xerada Xalane ee amaankeeda aadka loo ilaaliyo ayaa waxaa la sheegay inay udhaq dhaqaaqaysay arimaha xuquuqul insaanka iyo nabadda waxayna haysatay dhalashada wadanka Canada.
ilaa hadda lama oga cida dilkeeda ka dambaysa Almaas Elman Cali Axmed iyadoo xusid mudan tahay in Xeradaas ay degan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha wadamada caalamka ee Soomaaliya ka howlgala iyadoo amaanka xerada si aad ah loo ilaaliyo.
Halgamaa Elman Cali Axmed ayaa asna sidaan oo kale Muqdisho loogu dhax toogtay xiligii Soomaaliya dagaalada Sokeeye ka socdeen.