Wararka Soomaalida

Ganacsade lagu dilay Boosaaso iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ee Maamulka Puntland ayaa caawa waxaa lagu dilay mid ka mid ahaa ragga ganacsatada ah ee sida weyn looga yaqaanay Magaalada Boosaaso. Dablay ku hubaysnaa Bastoolado ayaa caawa fiidkii Magaalada Boosaaso xaafad ka mid ah ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash waxaana sidoo kale la sheegayaa in […]

Published

on

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ee Maamulka Puntland ayaa caawa waxaa lagu dilay mid ka mid ahaa ragga ganacsatada ah ee sida weyn looga yaqaanay Magaalada Boosaaso.

Dablay ku hubaysnaa Bastoolado ayaa caawa fiidkii Magaalada Boosaaso xaafad ka mid ah ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash waxaana sidoo kale la sheegayaa in shaqsiga la dilay Xisaabiye guud uu ka ahaa Shirkad ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed ee ku taalla Magaaladaas.

Marxuumka la dilay ee lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash ayaa xiligii kooxdan ay dilayeen waxaa uu ka soo baxay Masaajid la yiraahdo Cali Bini,Abii Daalib oo sida la sheegay Salaada Cishaha uu ku soo dukaday ka dibna Masjidka hortiisa lagu toogtay.

Dablaydii dishay marxuum Salaad Cabdi Cukaash ayaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen ka dibna waxaa goobta soogaaray Ciidamadii maalmahaanba Boosaaso howlgalada ka waday, ilaa hadda macadda in howlgalkaas ay dad u soo xirxireen iyo inkale.

Dilkan caawa ka dhacay Boosaaso ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmahaanba Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland Magaalada Boosaaso ay ka Wadeen howlgalo dadbadan ay u soo qabqabteen.

Howlgaladaas ayaa wali ka socda Boosaaso dilalkiina waxay ka socdaan Magaalada iyadoo intaas u dheertay Ciidamadii ugu badanaa abid in la,iskuuga keenay Magaalada Boosaaso si ay wax ugu qabtaan dilalka joogtada ah ee Magaalada Boosaaso ku caanbaxday sida Magaalada Muqdisho oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version