Wararka Soomaalida

Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo xayiraad lagu soo rogay+sawiro

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka Golaha wasiirada Maamulkaas waxaana kulanka looga hadlay arimaha amaanka iyo siyaasadda dalka. Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay wasiirada qorshaynta iyo waxbarashada Maamulka Jubbaland waxayna sheegeeyeen wasiiradaas mid waliba howlaha wasaaradiisa qabatay iyo in shaqo wanaagsan ay u hayaan shacabka Jubbaland. Intaas ka […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka Golaha wasiirada Maamulkaas waxaana kulanka looga hadlay arimaha amaanka iyo siyaasadda dalka.

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay wasiirada qorshaynta iyo waxbarashada Maamulka Jubbaland waxayna sheegeeyeen wasiiradaas mid waliba howlaha wasaaradiisa qabatay iyo in shaqo wanaagsan ay u hayaan shacabka Jubbaland.

Intaas ka dib Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Golaha wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Garowe iyo fashilkii ka dhacay ka dib markii la,isku mariwaayey qodobada shirkii Garowe.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda Soomaaliya inay sabab u,ahaayeen bur-burkii shirkii wada-Tashiga ahaa ee Garowe ka dhacay sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in madaxda dowladda dhexe dhegaha ka furaysteen wax walba oo shirka ay la tageen Maamulada Jubbaland iyo Galmudug sida uu warka u dhigay Axmed Madoobe.

Intaas ka dib Golaha wasiirada Jubbaland ayaa dood dheer ka yeeshay wixii laga yeeli lahaa amaanka Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ka dib markii Madaxweynaha Maamulkaas uu soo jeediyey in amaanka garoonka Kismaayo lasugo.

Kulanka maanta ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo islamarkaana looga hadlayey amaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa ka dib isku dhicii Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax kaasoo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Kismaayo gudahiisa.

Golaha ayaa xayiraad ku soo rogay Garoonka diyaaradaha Kismaayo iyagoo sheegay in aan hub lalasoo geli karin Garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo in Ciidan iyo wax lamid ah laga soo dejinkarin Garoonka.

Amarkan ka soo baxay Golaha wasiirada Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo bisha 8 aad ee sanadkan 2019ka bisha Augusta Magaalada Kismaayo lagu wado in lagu qabto doorasha Madaxweynaha Maamulkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version