Wararka Soomaalida
Wufuud kala duwan oo ku qulqulaysa Garowe iyo Wafdi uu hogaaminayo Cabdi Xaashi oo gaaray Daawo Sawirada
Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa laga soo bilaabo shalay iyo maantuba waxaa si xowli ah ugu qulqulaya Wufuud kala duwan oo iskuuga jirta Soomaali iyo ajaaniib si ay uga qayb ahaadaan Caleema-Saarka Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni iyo Axmed Cilmi cismaan Karaash oo lagu wado in 26 […]
Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa laga soo bilaabo shalay iyo maantuba waxaa si xowli ah ugu qulqulaya Wufuud kala duwan oo iskuuga jirta Soomaali iyo ajaaniib si ay uga qayb ahaadaan Caleema-Saarka Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni iyo Axmed Cilmi cismaan Karaash oo lagu wado in 26 bishan oo ku beegan Sabtiga Caleema-Saarkooda uu ka dhaco Garowe.
Garowe maanta oo uga dambaysay waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxaana Wafdigiisa iskuugu jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo lagu xusikaro Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Aqalka hoose ee Golaha shacabka Cabdulaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Dastuurka sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamanka Aqalka hoose Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaano aan ka yarayn 30 oo labada Aqalba ka kooban.
Waxaa kaloo gaaray Garowe Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaral Americo iyo Wafdi saraakiil ah oo asaga hogaaminayo waxayna dhankooda ka qayb galayaan Xafladaas.
Dhamaan mas,uuliyiinta iskuuga jira Wasiiro,Xildhibaano iyo Saraakiisha ee ka socda Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa Garowe ku soo dhaweeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo) Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland,Xildhibaano iyo Wasiiro.
Maalinta beri ah ayaa sidoo kale Garowe waxaa gaari doona Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare iyo Wafdi uu hogaaminayo.