Local News

Garsoore diiday in maqal iyo muuqaal laga duubo maxkamada Maxamed Nuur

Garsoore maxkamada sarre ee Minnesota ayaa sheegay in aysan jiri doonin maqal cod ah ama fiidiyoow(muuqaal) in laga duubo inta lagu jiro maxkamad hore ee ka dhanka ah dacwada lagu soo oogay sarkaalka Maxamed Nuur oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Booliiska ee magaalada Minneapolis. Maxamed Nuur ayaa lagu soo oogay dil toogasho ah bishii July […]

Published

on

Garsoore maxkamada sarre ee Minnesota ayaa sheegay in aysan jiri doonin maqal cod ah ama fiidiyoow(muuqaal) in laga duubo inta lagu jiro maxkamad hore ee ka dhanka ah dacwada lagu soo oogay sarkaalka Maxamed Nuur oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Booliiska ee magaalada Minneapolis.

Maxamed Nuur ayaa lagu soo oogay dil toogasho ah bishii July ee sanadkii 2017, waxaana loo haystaa dil uu u geystay haweenayda Justine Ruszczyk Damond. Maxamed Nuur ayaa toogtay haweenaydan isaga oo shaqo ku gudda jira, ka dib markii ay u yeedhatay bilayska si ay uga caawiyaan dambi iyo weerar qof kale loo geysanayey oo  gurigeeda ka ag dhacayey.

Qaar badan oo kamid ahwarbaahinta maxaliga iyo warbaahinadda ugu waaweyn dalka Mareykanka iyo gobolka Minnesota oo oo ay ka mid yihiin Associated Press, ayaa waydiisatay ogolaanshaha in loo ogolaado in ay duubaan marka ay bilaabato maxkamada iyo dacwada loo haysto Maxamed Nuur.

Haddaba Garsooraha isagu gacanta ku haya dacwada Maxamed Nuur ayaa diiday oo sheegay in Minnesota ayna oggolayn in la duubo dacwad maxkamadeed haddii ay labadda dhinac ee iska soo horjeeda ayna wada ogolaan, kuna heshiinin in la duubi karo dacwada iyo maxkamadu inta ay socoto.

Xeer-ilaaliyeyaasha iyo qareennada difaacaya Maxamed Nuur ayaa diiday in la duubo muuqaalka iyo wixii maqal ah ee la xiriira maxkamada iyo dacwada Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur Noor ayaa u balansan in uu yimaado markale maxkamada Maalinta Jimci ah. Maxkamadiisa iyo dacwada dhabta ah ee la xiriirta dambiga lagu soo oogay ayaa si rasmi ah u bilaabanaysa bisha Abriil 1-deeda, 2019.  Sidoo kale waxaa wakhtigaas bilaabanaya xulashadda xeerbeegtida iyagu go’aanka ka gaari doona dacwada lagu soo oogay Maxamed Nuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version