Local News

GARSOORE MAR KALLE AMAR KU BIXIYAY IN AAN LA XIRI KARIN DADKA QAXOOTI AHAANTA KU SOO GALAY WADANKA

Published

on

MINNEAPOLIS – Garsoore federaal ah ayaa kordhiyay oo wakhti ku daray amar uu horey u bixiyay oo ku aaddan ilaalinta xuquuda dadka qaxooti ahaanta wadanka Mareykanka ku soo galay ee ku sugan gobolka Minnesota.

Garsoore John Tunheim ayaa waaxda socdaalka dalka Mareykanka amar ku siiyay in ayna xiri karin dadka qaxootiga ah inta ay dowladdu dib u eegis ku sameyneyso codsigooda sharciga Green Card-ka.

Xukunkan ayuu garsooruhu soo saaray Jimcihii la soo dhaafay ee ay bishu ahayd Febraayo 27, 2026. Xukunkan ayaa daba socda dhageysi dacwad Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee ku taala magaaladda Minneapolis ka dhacay Febraayo 19, 2026. Amarka uu garsooruhu soo saaray ayaa u diidaya in saraakiisha ICE ay xiraan dadka qaxooti ahaanta ku soo galay dalka Mareykanka, ee weli sugaya in ay buuxiyaan sharciga Green Card-ka ama sugaya in ay helaan sharciga green card-ka loo yaqaano.

Qaar kamid ah shicibka Minneapolis oo banaanbaxaya, taageerayana bulshadda Soomaalida ee ay saraakiisha ICE beegsanayeen.

Laanta socdaalka Mareykanka, gaar ahaan xafiiskeeda ku yaala magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa dad tiro ahaan dhan 5,600 oo qof oo qaxooti ahaan iyo si sharci ah lagu keenay dalka Mareykanka dib ugu balamiyay wareysi looga dan leeyahay in dib u qiimayn lagu sameeyo dadka qaxooti ahaan ku yimid dalka oo tiro ahaan gaadhaya dhowr kun oo qof.

Hawlgal loogu magac daray PARRIS ayaa dadkan qaxootinimada ku soo galay dalka lagu beegsaday. Wakiillada federaalka ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay dib u eegaan oo wareyski ay la yeeshaan kumanaan qof oo ah dadka qaxootiga ah, waxayna wakiiladda laanta socdaalka ay sheegeen in dadka qaar lagu tuhunsan yahay khiyaano iyo been-abuur la xiriirta sida qaxootinimadda ah ee ay dalka ku soo galeen.

Haddaba waxaa dhacday in horaantii bishii January ay saraakiisha ICE iyo wakiiladda laanta socdaalka Mareykanka ay xireen kaddibna u duuliyeen oo u qaadeen xabsiyo ku yaala gobolka Texas dad baddan oo qaxooti ahaan iyo si sharci ah ku yimid dalka Mareykanka iyo gobolka.

Taariikhdu markay ahayd Janaayo 28, ayuu garsoore John Tunheim wuxuu bixiyay amar ku meel gaar ah oo ka hortagaya in dowladdu ay xirto dadka qaxooti ahaanta dalka Mareykanka ku soo galay, sidoo kalle garsoorahan ayaa maalintii Jimcaha markalle amar ku bixiyay in ayna saraakiisha ICE iyo shaqaalaha Laanta Socdaalka Dalku ayna xiri karin dadkan qaxooti ahaanta dalka ku soo galay, oo ah dad si sharci ah dalka ku jooga, kuna soo galay, ilaa iyo inta dacwadda arrintan la xiriirta go’aan rasmi ah laga gaarayo, oo la soo af-jarayo.

Trending

Exit mobile version