News & Politics

Garsoore si ku meel gaar ah hakad u geliyay sharcigii maanta hirgeli lahaa ee saameynayey Soomaalida haysta TPS-ka

Published

on

Garsoore federaal ah oo ka tirsan Maxkamadda Mareykanka ee Degmadda Massachusetts ayaa si ku meel gaar ah u joojiyay in uu dhaqan galo go’aankii maamulka Trump ee gebi ahaanba joojinayey Soomaalida haysta sharciga ku-meel-gaarka ah ee (TPS).

Go’aankan ayaa saameynaya kumanaan muwaadin Soomaali ah oo ku kala nool goboladda Mareykanka, oo ay ku jiraan kuwo badan oo ku sugan gobolka Minnesota. Maamulka Trump ayaa qorsheynayey in uu si rasmi ah maanta u dhaqan galo go’aanka uu ugu diiday Soomaalida in ay haystaan sharciga ku meel gaar ka ah ee TPS-ka.

Go’aanka uu garsooruhu soo saaray maanta ee ku meel gaar ka ah ayaa u ogolaanaya in shakhsiyaadka haysta sharciga TPS-ka ay sii wadan doonaan dhamaan xuquuqdii uu sharcigani u ogolaa oo ay kamid ay ku jiraan oggolaanshaha shaqada iyo in aan dadkan wadanka Mareykanka laga masaafurin karin ama aan a xiri karin inta go’aan rasmi ah laga gaarayo dacwadahooda la xiriira magan-galayo doonka dalka Mareykanka.

Waxaa xusid mudna in go’aanka ka soo baxay garsooraha uu yahay mid ku meel gaar ah oo uunan ahayn go’aan joogto ah. Wixii ku soo kordha warbixintan kala socda Tusmo Times.

Trending

Exit mobile version