Wararka Soomaalida

Golaha amaanka ee QM oo markale War ka soo saaray Soomaaliya

Xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Wakiilkii arrimaha Soomaaliya uqaabilsanaa Qaramada midoobe ninka lagu magacaabo Nicholas Haysom Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in Dalka Soomaaliya ay ka soo erido 4tii bishan Jannaayo ee 2019ka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa u mahadnaq ay Mr […]

Published

on

Xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Wakiilkii arrimaha Soomaaliya uqaabilsanaa Qaramada midoobe ninka lagu magacaabo Nicholas Haysom Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in Dalka Soomaaliya ay ka soo erido 4tii bishan Jannaayo ee 2019ka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa u mahadnaq ay Mr Nicholas  Haysom shaqadii uu ka qabtay intii uu joogay Xafiiska Qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaaliya waxaana cadeeyeen taageeradooda buuxda ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) iyo waajibaadkooda Xeerka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Nomberkiisu uu yahay 2408 (2018).

Shirkii aan loo kala kicin ee maalmahaanba usocday Golaha Ammaanka ayaa lagu soo hadal qaaday dadaalka xooggan ee ay wadaaan beesha caalamka in iyaguna dhinacooda ay taageeraan nabadda, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya waxayna ku celceliyeen go,aankooda ah in ay soo wadaan garab istaaga Soomaaliya waxayna intaas ku dareen warkooda in sii wanaagsanaan doonto wada shaqeynta buuxda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka Hadley in sanadkan 2019 uu noqon doonto sannadka ugu muhiimsan ee Soomaaliya waxayna ku baaqeen hogaamiyayaasha Soomaalida in ay wada shaqeeyaan si loo Gaaro horumar,dib-u-habeyn siyaasadeed iyo nabadgelyo buuxda,Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida sharafta,dhuleed,madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya ay uhayaan.

Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa ammaanay taageerada ay ka qaateen Xafiisyada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) UNSOM, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo dhammaan Soomaalida iyo caalamkaba ee ka shaqeynaya sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

Warkan markale ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xiisado Siyaasadeed iyo caro xoog leh uu abuuray go,aankii Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqaday in Dalka ay ka Eriday Wakiilkii Xoghayihii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version