Wararka Soomaalida

Golaha Amaanka ee QM oo warbixin ka soo saaray Xaalada Soomaaliya

Golaha amaanka ee QM ayaa warbixin lagu amaanay dowlada federaalka Soomaaliya soo saaray maanta warbixintaas oo ku aadan barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3) xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan gelisay sidii laga rabay dhammaan shuruudihii ku xirnaa dib u habaynta dhaqaalaha. […]

Published

on

Golaha amaanka ee QM ayaa warbixin lagu amaanay dowlada federaalka Soomaaliya soo saaray maanta warbixintaas oo ku aadan barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3) xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan gelisay sidii laga rabay dhammaan shuruudihii ku xirnaa dib u habaynta dhaqaalaha.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samaynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waawayn.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington DC in dhinacyada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar wayn la gaaray, dib-u-qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha arrintaas oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Warbixnta golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee daymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taageerada qorshaha daynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo bexeen shuruudihii laga doonayay in kasoo gudbaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version