Wararka Soomaalida

Golaha amaanka oo soo saaray Warbixin la xiriirta doorashada Soomaaliya

Published

on

Golaha amaanka ee QM oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo waqtiga kala guurka ee ajandaha doorasho ee Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul goboleedyada inay dib ubilaabaan wada hadalada iyo xalinta wixii khilaaf ah ee dhaxdooda ka jira si horay loogu socdo howlaha Soomaaliya hor yaalla.

Kulanka Golaha amniga QM ayaa waxaa laga xusay in Goluhu uu ka walaacsan yahay haddii xal waara laga gaari waayo arimaha mugdiga leh ee ka dhax taagan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada inay ka cabsi qabaan in saamayn ku yeelato howlaha doorashada Qaran ee dalka Soomaaliya sidaas darteed waxay ugu baaqeen madaxda dowlad Goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe inay dedejiyaan xalinta khilaafaadka ka dhax taagan.

Golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalada lagu doonayo in doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan dastuurka dalka ay ka dhaqan gasho Soomaaliya sanadka 2020.

Sidoo kale Xubnaha Golaha ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii la qabto doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda si nabad ah isla markaana ah mid hufan ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ka dhacda markii ugu horaysay tan iyo wixii ka dambeeyay 1991.

Golaha ammaanka ayaa waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in geeddi-socodka doorashada ay tahay inuu noqdo mid loo dhan yahay kaasoo ogolaanaya ka qayb galka dhammaan degaanada gobollada dalka oo dhan iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30% ka,ah.

Warbixintan maanta ay soo saareen Golaha amaanka ee Qaramada Modoobe ayaa waxay timid ka dib markii 21-ka bishan November warbixin la xiriirta doorashada Soomaaliya ay ka dhageysteen Gudiga doorashada madax banaan ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version