Wararka Soomaalida

Golaha amaanka QM oo doorashada Soomaaliya kulan deg deg ah ka yeeshay

Published

on

Golaha ammaanka ee QM ayaa galabta kulan deg deg ah ka yeeshay habka doorasho ee Soomaaliya markii lagaaro sanadka 2021-ka ee soo socota iyagoo waliba kulankooda kaga dooday qaabka ugu sahlan ee doorasho cod iyo qof ugu dhicikarto dalka Soomaaliya.

Kulankaasi galabta ay yeesheen Golaha amaanka ee looga doodayay xaalada doorasho ee Soomaaliya ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,Ambassador Francisco Madeira,Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil iyo guddoomiyaha bulshada Rayidka ee Soomaaliya Cismaan Macallin iyo xubno kale iyagoo dhamaan wada cadeeyay in dalka Soomaaliya duruufo jira awgeed ka dhicikarin doorashada qof iyo Cod ah waxaa kaloo uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta iyo qorshaha cusub ee horumarinta Qaran iyo sidoo kale dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

James Swan ayaa u sheegay golaha ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020 ee Soomaaliya u baahnaan doono heshiis siyaasadeed iyo isfaham guud oo raali laga wada yahay.

“Muhiimadu waa in Baarlamanka Soomaaliya uu meel mariyaa sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka bedelka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhamaadka bisha December si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara waqtiga loo qabtay doorashada”ayuu yiri James Swan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa iyana dhankeeda ka hadashay doorashada iyo arimaha u qorsheysan guddigooda waxayna sheegtay in Guddigooda ay dadaal badan gelinayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor oo xalaal ah.

Trending

Exit mobile version