Wararka Soomaalida
Golaha aqalka sare oo wax ka bedel ku sameeyay qodobo+Sawiro
Kulankii 2-aad kal fadhigiisii 5-aad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta ka furmay xaruntooda ee Magaalada Muqdiaho ayaa waxaa la horgeeyay qodob ku saabsanaa arimaha Caafimaadka oo horay usoo meelmariyeen Golaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Kulankan oo maanta uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi […]
Kulankii 2-aad kal fadhigiisii 5-aad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta ka furmay xaruntooda ee Magaalada Muqdiaho ayaa waxaa la horgeeyay qodob ku saabsanaa arimaha Caafimaadka oo horay usoo meelmariyeen Golaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Kulankan oo maanta uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa qodobkan hor keenay Gudiga adeega arimaha bulshada ee Caafimaadka Baarlamanka Aqalka sare ee Soomaaliya.
Dood dheer ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gudigaas adeega Caafimaadka Senator Dr Cismaan Maxamuud Dufle wuxuuna sharaxaad dheer ka bixiyay muhiimada uu leeyahay qodobkaas maanta ay hor keeneen Golaha aqalka sare.
Senator Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Guddoomiyaha guddi hoosaadka Caafimaadka Waxbarashada iyo Arrimaha bani’aadamnimada ee guddiga adeega bulshada u qaabilsan Aqalka sare ayaa akhriyay warbixinta Qodabada Wax ka bedelka lagu sameeyay iyo kuwa lagu soo kordhiyey si ay u noqdaan kuwo la jaan-qaadi kara nidaamka mihnadleyaasha caafimaadka ee dalka.
“Guddiga adeega bulshada waxaa uu garowsaday in qabyo qoraalka hindise sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka Qaranka uu u baahan yahay dib u qoris iyo wax ka bedel lagu sameeyo qodobada hindise sharciyeedka maadaama nuqulka ka soo gudbay golaha shacabka u baahday dib u eegis nuxureed iyo mid hab qoraal ah lagu sameeyo iyadoo guddiga dib u qoray isla markaana dib u habeyn balaaran ku sameeyey dhammaan qodobada hindise sharciyeedka isagoo raacay qaabka soo socda 1- dib u habeyn qaab qoraalka hindise sharciyeedka 2-kordhin nuxur iyo ereyo 3-hagaajin ereybixin, tir-tirid nuxur ama ereyo 5-kala hor marin qodobo faqrado, 6 isku bedelid xarfo iyo nambaro 7- soo kordhin qodobo cusub”ayuu Senator Dufle oo faahfaahin ka siiyey golaha qodobada ugu muhiimsan ee la bedelay iyo sababaha keenay in la bedelo.
Senator Dufle ayaa sheegay in bixinta adeegyada caafimaadka ay leedahay Wasaarada caafimaadka balse guddiga minnadleyaasha caafimaadka ay shaqadiisu tahay kontrolka iyo xaqiijinta tayada iyo aqoonta xirfadleyaasha Caafimaadka si looga hortago dadka aan dhaqaatiirta aheyn ee iska sheeganaya dhaqtarnimada si buu yiri dhacday 30-kii sano ee dalku ku jiray burburka oo shacab badan dhibaato loogu geystay.
“Sida ku qoran nuqulka hindise sharciyeedkan qofka dhaqtarka sheeganaya wuxuu guddiga ka xaqiijinayaa shahaadooyinka uu wato taqasuskiisa iyo khibrada uu leeyahay ka hor inta aan loo fasixin inuu bulshada u adeego”ayuu intaas ku daray Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo ku dheeraaday faahfaahinta sharcigan iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada.
Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar iyadoo senatarada qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aadan “Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka waxaana loo balamay ka doodista hindise sharciyeedkan maalmaha soo socda.
Sharcigan ayaa ka soo gudbay Golaha wasiirada iyo aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia wuxuuna hadda hor yaalla golaha aqalka aqalka sare oo marka ay dhamaato akhrintiisa ka doodi doona ka dib cod gelin doona si loo meel mariyo.
Haddii sharcigan la meel mariyo waxaa uu wax badan ka qaban doonaa dhibaatooyinka ka taagan dhaqaatiirta saxda iyo kuwa kale oo bulshadu ku wareertay gaar ahaan kuwa ajaaniibta ah ee dalka la iska soo geliyey si loo hubiyo aqoonta iyo xirfada caafimaad ee ay leeyihiin iyo howlaha ay qabtaan.