Wararka Soomaalida

Golaha Baarlamanka oo bari shir yeelan doona

Published

on

Golaha baarlamanka JFS ayaa maalinta bari ah waxaa lagu war galiyay inuu jiro kulankoodii ay ku yeeshaan xarunta Golaha shacabka iyagoo dhowr ajande ka doodi doona ka dib markii dhamaan xubnaha Golaha shacabka fariin loo wada diray lagu war galiyay.

Golaha shacabka kulankan lagu war galiyay in bari uu jiro shirkoodii ay kaga doodi jireen himdise sharciyeedyada ajandaha bari ay ka doodayaan ayaa wuxuu yahay u codeynta Hindise sharciyeedka Shirkadaha dalka.

“Beri oo Arbaca ah Tr 25 December ayaa waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Ajendaha Kulanka ayaa ah,U Codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha”ayaa lagu yiri fariinta loo diray xubnaha Golaha shacabka.

Habeenkii isniinta ayaa Golaha shacabka waxaa loo diray fariimo is khilaafsan ka dibna sababay in ku lankii Golaha shacabka uu baaqday.

Trending

Exit mobile version