Wararka Soomaalida

Golaha Baarlamanka Soomaaliya oo meel mariyey Xeerka wax ka bedelka Agaasinka Bangiga dhexe

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta dood adag ka yeeshay xeerka wax ka bedelka Agaasimaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya  ayaa meel mariyay xeerkan Maamulka Bangiga Dhexe. Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in 158-Xildhibaan ay ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka […]

Published

on

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta dood adag ka yeeshay xeerka wax ka bedelka Agaasimaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya  ayaa meel mariyay xeerkan Maamulka Bangiga Dhexe.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in 158-Xildhibaan ay ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya ansixinta sharciyada muhiimka ah ee horyaala,taasi oo cadeyn u ah howlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Xeerkan wax ka bedelka ay ku sameeyeen ee ay ansixiyeen Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa dhigaya in qof ajanabi ah uu madax ka noqonayo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

ariintan waxaa horay u soo ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya maantana waxaa meel mariyey Golihii ugu dambeeyey ee la hor keenay ee ah Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version