Wararka Soomaalida
Golaha shacabka oo ansixiyay sharciga doorashooyinka dalka

Kulankii shalay ay yeesheen Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay kaga doodeen sharciga doorashooyinka dalka xili sharcigaas dhaqangalkiisa iyo in Goluhu ay ka doodi karaanba shaki badan laga muujinayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay iyadoo xanta hoose ee dhanka Baarlamanka uu ahaa inay doonayaan waqti kororsi iyo arimo kale oo awooda Goluhu la xiriirta.
Haddaba kal fadhigii shalay ee Galaha shacabka ay kaga doodeen sharcigaas oo muddo hor yaallay Goluhu ayaa waxay ku meelmariyeen si aqlabiyad leh ka dib dood iyo ka baaraandagis dheer oo mudaniyaasha qodobkan ay ka yeesheen.
Kulanka Golaha ayaa waxaa la sheegay inay xaadireen in kabadan 130 Xildhibaan waxaana sharcigan haa ku ansixiyay intabadan Golaha halka 7 Xildhibaan ay diideen 3-Xildhibaana oo kalana ay ka aamuseen sida aan wararka ku helnay.
Sharciga doorashooyinka ee Golaha shacabka ay ansixiyeen ayaa wuxuu yahay in markii lagaaro sanadka 2021-sharciga doorashada ee dalka uu noqonayo doorasho qof iyo Cod ah iyadoo lagu tartamayo hanaanka axsaabta siyaasadda badan ee (Multiparty System).
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay qodobkan shalay ay baasgareeyeen Golahooda shacabka ayaa guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed iyo guul uu gaaray Golaha shacabka ku tilmaamay sharcigan doorashooyinka ee qof iyo cod ah ee ay ansixiyeen.
“Golaha Shacabka ayaa maanta wuxuu gaaray guul taariikhi ah iyada oo aqlabiyad balaaran lagu ansixiyey sharciga doorashooyinka oo dalka u horseedaya doorasho qof iyo cod ah iyada oo lagu tartamayo hanaan axsaabta siyaasadda badan (multiparty system)”ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Maadaama shacabweynaha Soomaaliyeed aad u sugayeen nooca doorasho ee Soomaaliya uu noqonayo ayaa haddana waxaa jirta su’aal isweydiin mudan taas oo ah sida Soomaaliya ugu dhaqangelayo Sharciga doorashooyinka ee qof iyo cod ah iyadoo la ogsoon yahay in dowladda federaalka Soomaaliya awoodeeda ku egtahay Muqdisho isla markaana kooxda Al shabaab ka awood badan yihiin Dowladda hadda shaqaysa iyagoo gobolada Soomaaliya inta ugu badan ay maamusho kooxdaas sida loogu samayn karo doorasho qof iyo cod ah.
Sharciga doorashooyinka hadda ka soo gudbay Golaha shacabka ayaa waxaa la horgeeyay Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo dhankooda dood iyo ka baaraandegis ka yeelan doona.
Haddii Golaha aqalka sare iyana ay ansixiyaan ayaa waxaa loo gudbin doonaa Gudiga doorashooyinka madaxbamaan ee Soomaaliya oo iska leh ka go’aan gaarista sharciga doorashooyinka Soomaaliya nooca uu noqonayo doorashooyinka Soomaaliya.
Sidoo kale sharcigaan arimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa kaalin muhiim ah oo laga maarmaan ah ku leh Madaxweyniyaasha maamul Goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah iyadoo shirar iyo tashibadan ka yeelan doona sharciga doorashooyinka Soomaaliya.