Wararka Soomaalida

Golaha wasiirada Koonfur Galbeed oo kulan deg deg ah iskuuga yimid+Sawiro

Maanta oo jimco ah ayaa waxaa kulan deg deg ah iskuuga yimid Golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed kana dib markii la ogaaday in deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la,aan xoogan. Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeynayey sidii wax looga qaban lahaa xaaladahaas soo kordhay iyo in si deg deg ah […]

Published

on

Maanta oo jimco ah ayaa waxaa kulan deg deg ah iskuuga yimid Golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed kana dib markii la ogaaday in deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin abaaro iyo biyo la,aan xoogan.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeynayey sidii wax looga qaban lahaa xaaladahaas soo kordhay iyo in si deg deg ah loogu gurmado shacabka tabaaleysan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta Gareen oo shir gudoominayey kulankaas Golaha wasiirada ayaa sheegay in gudi ay u xilsaareen xaaladaha abaaraha.

“Waxaa maanta Shir-Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda KGS,
ugu horeen waxaan kaga hadalney Hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud iyo arimaha biyo la’aanta ka jirta Deegaanadda KGS.
Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa soo gudbisey biyo la’aanta ka jirta deegaanada KGS Gaar ahaan Degmooyinka Buur, baydhabo, diinsor, iyo ceelberde.

Guddiga biyo dhamiska iyo kaso tala bixinta arinta biyo la’aanta soo lalabata ayaa u xil-saarey Wasaarada gargaarka, Wasaarada tamarta iyo biyaha iyo Wasaarada
Arimaha gudaha.

Sidoo kale waxaa Bogaadinayaa Howlgalada Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyed ay ka wadaan Deeganadda Gobolka sh/hoose oo ay kooxda Maleeshiyada Shabab ay kala wareegen Deegano hor leh”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version