Wararka Soomaalida
Golaha wasiirada oo meelmariyey Sharci cusub+sawiro
Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta ayaa waxaa looga hadlayey hal Qodob kaasoo ah sharciga Jaan goynta Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ka dib markii la soo hor dhigay Golaha wasiirada shirkooda. Sharcigan ayaa waxaa soo gudbisay Golaha wasiirada shirkoodana soo dhax dhigay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaana lagaliyey Cod iyadoo […]
Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta ayaa waxaa looga hadlayey hal Qodob kaasoo ah sharciga Jaan goynta Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ka dib markii la soo hor dhigay Golaha wasiirada shirkooda.
Sharcigan ayaa waxaa soo gudbisay Golaha wasiirada shirkoodana soo dhax dhigay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaana lagaliyey Cod iyadoo dood dheer laga yeeshay meel marinta qodobkaas.
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib udiulay raacay in la meelmariyo sharciga Jaan goynta tayo dhowrka Soomaaliyeed waxaana ansixinta qodobkaas isku raacay dhamaan Golaha wasiirada.
Sharciga Jaan goynta Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka sida lagu sheegay qodobadii Shirkaas ka soo baxay.
Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Sharka Golaha wasiirada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyadoo wasiir waliba looga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay wax umarayaan howlaha shaqo ee loo dhiibay.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey Golaha wasiirada shirkii asaga iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada ay kaga qayb galeen Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka wuxuuna sheegay Ra’iisul wasaaraha in Shirkaas ay ka jeediyeen Khudbado xaalada Soomaaliya ku aadan iyo arrinta deyn cafinta.