Wararka Soomaalida
Golaha wasiirada Puntland oo kulan deg deg ah iskuuga yimid
Ka dib markii qaar ka mid ah gobolada maamulka Puntland ay ka da’een roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata ayaa waxaa maanta kulan deg deg ah iskuuga yimid Golaha wasiirada Puntland oo uu shir Gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) wuxuuna kulankooda deg deg ah uu ku saabsanaa xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaanada Puntland ee dhinaca daadadka iyo Roobabka.
Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay xaaladda Roobabkii ka da’ay gobolka gobolada maamulka iyo sidii muddo saddex cisho gudaheed ah loo gaarsiin lahaa caawimaad deg deg ah shacabka deegaanadaasi ku dhibaataysan.
Sidoo kale Golaha ayaa waxaa looga hadlay Guddiyada Golaha Xukuumadda oo isu diyaarinaya in ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadka Xukuumadda 9-kii bilood ee lasoo dhaafay,Digniintii Booliska Soomaaliya ay ka bixiyeen roobabka dabaylaha wata ee la saadaaliyey in ay kusoo waajahanyihiin xeebaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Puntland.