Wararka Soomaalida

Golaha wasiirada Puntland oo la,ansixiyey+sawiro

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa maanta hor geeyey Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay. Golaha Baarlamanka ayaa dood dheer ka dib meel mariyey wasiiradii la  hor keenay. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Khudbad ka hor jeediyey Kulanka Baarlamanka ka dib markii Baarlamanka ay ansixiyeen Golaha wasiirada ayaa […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa maanta hor geeyey Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay.

Golaha Baarlamanka ayaa dood dheer ka dib meel mariyey wasiiradii la  hor keenay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Khudbad ka hor jeediyey Kulanka Baarlamanka ka dib markii Baarlamanka ay ansixiyeen Golaha wasiirada ayaa uga mahadceliyey ansixinta Golahiisa wasiirada ee uu soo dhisay.

Waxaana uu sheegay in shaqo hufan ay la,imaan doonaan wasiiradan

“Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada,xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xoogga saari doontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nalaku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaaro uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah.

Sidoo kale waxaan balanqaadaynaa in si baaxadle xukuumadda dowladda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka”

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hor sheegayey Baarlamanka in isbedel la taabankaro uu ka dhalan doono Puntland ka dib markii ay shaqo galaan wasiiradan maanta la meel mariyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version