Wararka Soomaalida

Gorgor laayay carruur oo gacanta lagu dhigay

Published

on

Horaantii bishan waxaa carruur ku laayay degmo u dhow magaalada Jigjiga shimbir Gorgor. Gorgorkan ayaa dilay carruur sidoo kalena dhaawac halis ugaystay afar kale oo carruur. Carruurta uu dhaawaca u geystay Gorgorku ayaa hadda lagu dawaynayaa Isbitaal ku yaala Magaalada Jigjiga sida aan xogtan ku helnay.

Shimbirkan Gorgorka ah oo khalkhal, cabsi iyo jahwareer abuuray ayaa ku cusub deegaanadda Soomaalida ee Itoobiya. Gorgorkan oo weyn oo halis ah ayaa cabsi farabadan ku beeray shacabka reer guuraaga ah ee degan miyiga magaalooyinka Jigjiga, Dhagax-buur iyo Jarati.

Qaar ka mid ah waalidiinnta Carruurtooda uu dhibaateeyay Gorgorku oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Shimbirkan dhibaato ku hayay nolosha cartuurtooda iyo deegaanka.

Haddaba maanta ayaa markii ugu horaysay waxaa la soo qabtay Shimbirkaas Gorgorka ah waxaana lagu soo bandhigay mid ka mid ah magoolooyinka u dhow Jigjiga, waxaana ku soo xoomay shacab farabadan oo u baahiqabay in ay arkaan shimbirkaas halista ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version