Wararka Soomaalida

Gudi dhamaystira nabadayntii beelihii dagaalamay oo la dhisay

Published

on

Maanta ayaa wwxaa la dhisay Gudiga la ocodka nabadeynta heshiiska Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug waxayna ka kooban 10 oday dhaqameed oo labada dhinac ah iyo 10 sarkaal ciidamada dirirtu dhexmartay ka kooban iyadoo ay goobjoob ka aheyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada ayaa waxay doorkeeda ku biirin doontaa dadaalkii dhex dhexaadinta ahaa ee beelaha dagaalamay iyo xabadjoojinta sidoo kale qaabkii loo kala qaadi lahaa ciidankii dagaalamay ee ay ku guuleysteen Ciidanka qalabka Sida howshan dhax dhaxaadinta ah.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Mahad Cabdalle Cawad oo ka hadlay hiwshan ayaa sheegay inuu ku kal soon yahay hiwsha wasaaradda arimaha Gudaha ay ka wado dhax dhaxaadinta beelaha sidoo kale gacan buuxda ku siin doonto guddiyada la dhisay taabagalinta nabadda deegaamada dirirtu ka dhacday.

Trending

Exit mobile version