Wararka Soomaalida

Gudi ka shaqeeya Dayn cafiska oo lagu dhawaaqay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamaystirka qorshaha dayn-cafinta dalka ka dib kulan galabta ka qabsoomay xafiisya Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Magacaabista gudigan in hadda la sameeyo ayaa waxaa lagu macneeyey in hadda meel wanaagsan uu marayo arimaha dayn-cafinta Soomaaliya iyadoo xukuumadda Soomaaliya dadaal dheer gelisay sidii Soomaaliya […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamaystirka qorshaha dayn-cafinta dalka ka dib kulan galabta ka qabsoomay xafiisya Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Magacaabista gudigan in hadda la sameeyo ayaa waxaa lagu macneeyey in hadda meel wanaagsan uu marayo arimaha dayn-cafinta Soomaaliya iyadoo xukuumadda Soomaaliya dadaal dheer gelisay sidii Soomaaliya lacagta daynta ah ee dunida looga leeyahay looga cafin lahaa sida uu madasha shirkii galabta uu kaga dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Gudigan galabta uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxay ka kooban yihiin xubno wasiiro iyo Xildhibaano iskuuga jira waxayna ka shaqayn doonaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa arimaha daynta.

 

Howlaha dayn-cafinta ee Soomaaliya iyo dadaalka dardarta leh ee Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto barnaamijkaas ayaa waxaa gadaal ka riixaya oo Xukuumadda ku dardarsiinaya “world Bank”Bangiga aduunka ka dib markii wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh dhowr jeer kulan dalka dibadiisa ah iyo mid gudaha dalkaba ah uu kula yeeshay mas,uuliyiin ka socotay Bangiga Aduunka.

Mas,uuliyiinta Bangiga aduunka ee dhowr mar safar ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa amaan ujeediyey howlaha wanaaga leh ee dowladda Soomaaliya ay ka gaarayso xaga la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo kubaca dhaqaalaha ee dalka oo maraya heer la qiimayn karo.

Waxay intaas warkooda ku dareen madaxdaas haddii dowladda Soomaaliya sida hadda wax ku wadaan ka sii horumariyaan in dadaalkooda awgeed laga cafin doono daynta looga leeyahay dunida.

Haddii ay dhacdo in laga cafiyo Soomaaliya daynta lagu leeyahay ayaa faa,iidada ku jirta waxay tahay in dowladda Soomaaliya aduunka looga ogolaan karo inay lacag dayn ah ka qaadan karaan iyadoo hadda wax dayn ah aduunka ka qaadan karin ilaa laga cafiyo daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version