Wararka Soomaalida
Gudiga amniga Muqdisho oo qodobo soo saaray+sawiro
Gudiga amniga Muqdisho ayaa xalay waxay kulan ku yeesheen Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir waxayna kulankooda ugu doodeen xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho. Guddigan ayaa xalay kulankoodii ugu horeeyay waxa ay ku yeesheen degmada Wadajir , waxa ayna guddiga warbixino dhinaca amaanka ka dhageesteen maamulka degmada iyagoona intaa kadib kormeer sameeyay. Guddoomiye ku xigeenka amniga […]
Gudiga amniga Muqdisho ayaa xalay waxay kulan ku yeesheen Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir waxayna kulankooda ugu doodeen xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho.
Guddigan ayaa xalay kulankoodii ugu horeeyay waxa ay ku yeesheen degmada Wadajir , waxa ayna guddiga warbixino dhinaca amaanka ka dhageesteen maamulka degmada iyagoona intaa kadib kormeer sameeyay.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in Guddiga xalay iska wareesteen xaalada amaan ee caasimada sidoo kale qiimeyn ku sameeyeen.
Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga amniga u gudbiyeen baahiyaha gaarka ah ee qabaan ciidamada booliiska ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir .
Guddiga loo xil saaray amaanka magaalada Muqdisho ee u badan Wasiirada ayaa kormeero joogto ah ku sameyn doona degmooyinka gobolka Banaadir si ay u qiimeeyaan xaalada amaan una ogaadaan biyaha gaarka ah ee jira.