Wararka Soomaalida
Gudiga doorashooyinka Puntland oo lagu dhawaaqay
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka maaamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan la daah-furay qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.
Arrimaha Doorashada Soomaaliya oo uu ka hadlay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal.
Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole,Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Siciid Xasan Shire,Goleyaasha kala duwan ee Dowladda, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah , Ururka Warbaahinta Puntland, Haween iyo dhallinyaro.