Wararka Soomaalida
Gudiga KMG ah ee doorashooyinka Baarlamanka oo gaaray Dhuusa mareeb
Wafdi xildhibaano ah oo ka kooban 9 Xubnood islamarkaana uu horkacayo Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng carab) ayaa caawa waxay ku hooyanaya magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud sidoo kale ah xarunta maamulka Galmudug ka dib markii galabta halkaasi ay gaareen.
Gudigan inta aysan gaarin Dhuusa mareeb ayaa waxay soo mareen degmada Guriceel iyagoo halkaasi kulamo kula soo yeeshay siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo Odayaasha dhaqanka ee ku nool Degmada Guriceel iyagoo kala hadlayay habka doorasho ee Soomaaliya 2021-2022-ka sida ku haboon ee loo qaban karo sida aan wararka ku helnay intaas ka dib Gudiga waxay usoo gudbeen Dhuusa-mareeb isla caawana waxaa lagu soo waramayaa in Dhuusa-mareeb ay kula shireen siyaasiyiinta aqoonyahanada madaxda Ahlusuna iyo Odyaasha degmada.
Kulankii caawa ka qabsoomay Dhuusa-mareeb ee Gudigan ay la yeesheen qeebaha kala duwan ee bulshada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu daaran yahay arumaha doorashooyinka Soomaaliya sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo iyo tan Galmudug laf ahaanteeda.
Gudoomiyaha Gudiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka ee golaha baarlamanka soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (ENG Carab) oo Dhuusa-mareeb Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in safarkooda Galmudug uu yahay dardar gelinta howlahooda shaqo ee diyaarinta sharciyada doorashooyinka dalka isagoo intaas hadalkiisa sii raaciyay in horay shaqo ugu tageen maamulada Puntland,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle haatana ay ku sugan yihiin maamulka Galmudug.
Wafdigan tegi taankooda Dhuusa-mareeb ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili Ahlusunna diidmo ka Muujiyeen Gudigga Doorashooyinka Galmudug ee Dowladda u magacawday taasoo xalinteeda Dhuusamareeb ay uu u joogo Wasiirka arimaha Guddaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.