Wararka Soomaalida

Gudigii loo xilsaaray xasuuqii Galkacyo oo war soo saaray(Akhriso)

Gudigii loo xilsaaray xal kagaarista xasuuqii ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ee Gobolka Galgaduud ee iskuuga jira Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in baaritaan dheer ay ku soo sameeyeen dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Koonfurta Gaalkacyo iyagoo la kulmay,Mas,uuliyiinta Maamulka Galmudug,Culimada,waxgaradka, Odyaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidanka Galmudug. Gudigan ayaa sheegay […]

Published

on

Gudigii loo xilsaaray xal kagaarista xasuuqii ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ee Gobolka Galgaduud ee iskuuga jira Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in baaritaan dheer ay ku soo sameeyeen dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Koonfurta Gaalkacyo iyagoo la kulmay,Mas,uuliyiinta Maamulka Galmudug,Culimada,waxgaradka, Odyaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidanka Galmudug.

Gudigan ayaa sheegay in dhamaan madaxda qeebaheeda kala duwan ee ay la kulmeen  ay la wadaageen qaabka uu udhacay xasuuqa ayaa waxay sheegeen gudiga inay qirteen oo ay ogolaadeen reer Galmudug xasuuqaas ka dibna ay bixinayaan magdhowga dadkii lagu xasuuqay koonfurta Gaalkacyo ee ka soo kala jeeday Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle inkastoo ay ubadnaayeen Koonfur Galbeed.

Dadkii lagu laayay Gaalkacyo waxay gaarayeen 15 qof iyadoo markii hore tirada ahayd 9 qof ayaa markii dambe waxaa dhaawac awgeed ugeeriyootay 6 ruux.

Dhaawaca dadka meyd ahaan looga tagay ayaa waxay gaarayaan 9 qof oo hadda ku jira Isbitaalka Daarulshifa ee Magaalada Muqdisho ka dib markii laga soo qaaday Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version