Wararka Soomaalida
Gudigii wada dhisida Puntland oo xoriyadoodii dib helay
Maxkamadda ku taala magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa la soo taagay Afartii xubnood ee ahaa gudigii qaabilsanaa wadda dhisida Boosaaso ee dhowaan ay soo xireen Ciidamada amniga Puntland ka gadaal Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo Gudigaasi iyadoo gudigan lagu haystay Lacag uga timid dhinaca dowladda […]
Maxkamadda ku taala magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa la soo taagay Afartii xubnood ee ahaa gudigii qaabilsanaa wadda dhisida Boosaaso ee dhowaan ay soo xireen Ciidamada amniga Puntland ka gadaal Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo Gudigaasi iyadoo gudigan lagu haystay Lacag uga timid dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana lagu amray inay uceliyaan dowladda ka dibna iyagu ay diideen inay celiyaan Lacagta sidaas awgeed xabsiga loo dhigay.
Gudigan ka kooban Afarta xubnood ayaa lagu waayay wax dambi ah sida lagu cadeeyay Maxkamadda gudaheeda waxaana Maxkamadda amar ku bixisay in si deg deg ah gudigan loo siiyo xoriyadooda islamarkaana maantanxoryihiin iyadoo dhamaan gudigaas laga sii daayay Xabsigii ay ku jireen 6-dii Cisho ee la soo dhaafay.
Gudigaas ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Gudiga dhismaha wadada marta bartamaha Boosaaso iyo Dr Maxamed Faahiye oo xubin ka ah gudiga.
Sidaynta gudigan ayaa timid ka dib markii xarigooda uu ka abuurmay kacdoon shacab iyo mid siyaasadeed iyadoo qal-qal siyaasadeed uu kala kulmay arinta xariga gudigan Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni ka dib markii qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka Puntland,siyaasiyiin Culimo iyo Odayaal dhaqameed shalay ku dhawaaqeen go,aan ah haddii ay sii xirnaadaan xubnahan kursiga uusan siijoogi doonin Siciid Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Dhinaca kale arinta xariga gudigan ee hadda la sidaayay ayaa horay waxaa uga hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo Taleefon uu kula hadlay Siciid Deni ka dibna usheegay inuu cafiyo oo xabsiga ka daayo xubnahaas uxiran laakiin Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni uu ku gacanseeray dalabkii Madaxweyne Farmaajo wixii intaas ka dambeeyay Siciid Deni wuxuu la kulmayay cadaadis uga yimaanayay bulshada qeebaheeda kala duwan iyo xubnaha Golaha Baarlamanka Puntland iyagoo dhamaan Madaxweynahooda ugu goodinayay inuu ku wayn doono xilkiisa.