Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle oo baaq soo saaray

Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay dayaca haysta ee ay ku sugan tahay Buundada Caanka ah ee Ceel Gaal ee ku taala deegaan hoostaga degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoo intaas warkiisa ku daray Gudoomiyaha in hadda ay Go,day Buunada oo dhaxda ka jabtay Buudada Ceel Gaal dayaca haystay […]

Published

on

Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay dayaca haysta ee ay ku sugan tahay Buundada Caanka ah ee Ceel Gaal ee ku taala deegaan hoostaga degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoo intaas warkiisa ku daray Gudoomiyaha in hadda ay Go,day Buunada oo dhaxda ka jabtay Buudada Ceel Gaal dayaca haystay awgeed ka dib markii halkaas dhawaan uu ka da,ay Roob mahiigaan ah.

Roobka mahiigaanka ah ee ka da,ay Gobolka Hiiraan gaar ahaan Tuulada ay ku taalo Buundada Ceel Gaal ayaa waxaa uu sababay inay bartamaha ka jabto Buundada caanka ah ee Ceel Gaal ka dibna Biyaha ay ka saramaraan.

Cismaan Barre Maxamed ayaa ugu baaqay Dowladda federaalka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool dalka iyo dibaddiisa ee deegaan ahaan ka soo jeeda Hirshabelle iyo Madaxda Maamulka Hirshabelle inay ka qayb qaataan dib udhiska Buundada Ceel Gaal ee jabtay.

“Waxaan ugu baqayaa Dowlada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  Dowlad goboledka Hirshabelle, Hey’addaha caalamiga iyo bulashada reer Hirshabelle ee dal iyo dibad ku sugan iney ka qeeb qaataan Dayactirka buuntada ceel gaal ee dhawaan ay dumiyeen daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee dhawaan ka da,ay gobolka Hiiraan,Sidaan wada ognahay buundada Ceel gaal waxay muhiim u tahay isku socodka magaladda ganasiga Hirshabelle ee Baladweyne iyo Gobolada dhexe,Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa cidkaste oo gacan ka gaysan karto dhismaha buundadas iney wax ka qabtaan”ayuu yiri Cismaan Barre Maxamed Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabelle.

Buundada Ceel Gaal ee ku taalada deegaanka loogu magac daray ee Ceel Gaal ayaa waxay isku xirtaa bartamaha Soomaaliya sida Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya iyadoo gaadiidka iskiiga kala goosha Goboladaas marin muhiim ah u,ahayd Buundada Ceel Gaal ee hadda Go,day.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version