Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Madaxweynaha Puntland oo Mooshino wajahaya
Shalay Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa waxaa ufurmay kal fadhigii 44-aad ee Golahaas waxaana furay kal fadhiga Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni. Aqoonyahanada Puntland ayaa Golahaan ku eedeeyay inay gabeen shaqooyinkii laga doonayay inay qabtaan waxaana aqoonyahanada ku sifeeyeen in Golahan ay udhaqmaan sida Golaha degaanka ee degmada Garowe ee Gobolka Nugaal oo […]
Shalay Golaha Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa waxaa ufurmay kal fadhigii 44-aad ee Golahaas waxaana furay kal fadhiga Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni.
Aqoonyahanada Puntland ayaa Golahaan ku eedeeyay inay gabeen shaqooyinkii laga doonayay inay qabtaan waxaana aqoonyahanada ku sifeeyeen in Golahan ay udhaqmaan sida Golaha degaanka ee degmada Garowe ee Gobolka Nugaal oo kale.
Markii khudbadda uu dhameeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni ayaa dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa in durba bilaabatay olale doorasho Madaxweyne cusub iyo mooshino lagu tuurayo Guddoonka Golaha Baarlamanka Maamulkaas Cabdixakiim Maxamed Axmed(Dhoobo Daarood) sida aan ka soo xiganay aqoonyahanada Puntland ee arimahaas waxbadan ka og.
Aqoonyahanada Puntland ee xogtan nala wadaagay ayaa si hoose ugu sheegay arintan Wargayska Tusmotimes in haddaba Murashaxxa Madaxweyne ee haatan soo shaacbaxay uu jiro kaasoo ah Guddoomiyaha kooxda Ganacsatada ah ee Puntland lana baxay (Aaran Jaan) magaciisuna uu yahay Maxamuud Shido ka dib markii xilka laga tuuro ama markii lagu guuleysto cayrinta Madaxweyne Deni.