Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Baarlamanka oo Addis Ababa shir kaga qayb galay

Published

on

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qayb galay shirka kulanka gudiga joogtada ah ee Golaha Baarlamanka federaalka Itoobiya oo Gudoomiye Maxamed Mursal lagu casuumay shirkaas.

Gudoomiye Maxamed Mursal oo khudbad ka jeediyay shirkaas ayaa wuxuu kaga hadlay habka shaqo ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya iyo kan federaalka Itoobiya wuxuuna sheegay in hadda wixii ka dambeeya wada shaqayn dhab ah u yeelan lahaa yeen labada Gudoon ee Baarlamaanada Itoobiya iyo Soomaaliya.

Guddomiyaha golaha Baarlamanka Federaalka Itoobiya Tagesse Chaffodullo oo Khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dhankooda muhiim u tahay inay wada shaqeeyaan Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya dhankoodana arintaas dhaqan galkeeda xil weyn iska saari doonaan sidii shaqo wadaag qurux badan uyeelan lahaayeen.

Intaas ka dib kulan gaar ah oo ay yeesheen labada Gudoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Tagesse Chaffodullo ayaa kulankaas isku dhaafsaday khibradaha xagga shaqada la xiriirta iyadoo sidoo kale ka wada hadlay wada-shaqeynta Baaralamanada labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya sidii loo dhaqan gelin lahaa.

Shitkaas uu ka qayb galay Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa oo safiirka Soomaaliya ufadhiya Itoobiya Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland

Trending

Exit mobile version