Wararka Soomaalida
Gudoomiyaha Baarlamanka oo booqday Dhaawacyada
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa isbitaalada ku booqday dhaawacyada dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay Ex control Afgooye ee magaalada Muqdisho wuxuuna uguur galay sida xaaladooda ay tahay dadka dhaawaxyada soo gaaray.
Gudoomiyaha oo ay la socdeen xubno katirsan xildhibaannada golaha shacabka ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho wuxuuna Gudoomiyaha ka xog wareystay xaalada dhaawacyada Dhaqaatiirta Turkida ah ee dawaynaya dhaawacyadan sida xaalkooda uu yahay.
Dhaqaatiirta ayaa u sheegay Gudoomiyaha dhaawacyada loo keenay inay iskuuga jiraan dhaawacyo culus iyo kuwo dhaawacyada soo gaaray ay yihiin meel dhaxaad dhamaana ay la tacaalayaan dawayntooda.