Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Baarlamanka oo cadeeyay xiliga ay dhacayso doorashada

Published

on

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay xilligeeda ku dhici doonto wuxuuna caddeeyay in Baarlamaanka gacanta ku haayo sharciga doorashooyinka oo la filayo in dhamaadka bishan November laga doodo lana ansixiyo bilowga bisha December ee soo socota.

“Doorashada xilligii loogu tala galay ayay dhici doontaa, haddii alle idmo, waqtiga doorashada dhici doonto dastuurka ayay ku qoran tahay, muddada dowlad walba shaqeyneyso waa afar sano, afarta sano marka ay dhamaato doorasho waa qabsoomeysa”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyay Idaacada BBC isaga oo ku sugan magaalada Jigjiga.

Gudoomiye Maxaned Mursal iyo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shirka gilaha joogtada ah ee baarlamanka federaalka Itoobiya.

Trending

Exit mobile version