Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Baarlamanka oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo qaar ka mid ah Golaha labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Gudoomiyaha iyo Xildhibaanada la socda ayaa waxay lakulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen waxayna iska Xog wareysteen xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo arrimaha […]

Published

on

Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo qaar ka mid ah Golaha labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Gudoomiyaha iyo Xildhibaanada la socda ayaa waxay lakulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen waxayna iska Xog wareysteen xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo arrimaha Maamulka Koonfur Galbeed meesha ay wax marayaan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Ayaa Gudoomiyaha Baarkamanka Warbixin ka siiyey xaalada Maamulka Koonfur Galbeed tan iyo markii xilkan loo doortay Lafta Gareen wax yaabaha uqabsoomay.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa asna dhankiisa Warbixin ka siiyey Lafta Gareen howlahooda shaqo iyo Siyaasadda meesha ay taagan tahay shirkoodaas ee gaabnaa ayaa intaas ku soo idlaaday.

Warar uu si hoose uhelay Wargayska Tusmotimes Xafikska Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Mursal iyo Lafta Gareen ayaa iska raaceen Magaalada Muadisho iyadoo maalmahaanba Lafta Gareen uu ku sugnaa Muqdisho.

Maalinta beri ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo Caleema-Saarka Lafta Gareen oo maanta lagu waday balse arrimo farsamo awgeed ubaaqatay,Warkale wuxuu sheegayaa in beri Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka ay aadi doonaan Magaalada Baydhabo si ay uga qeybgalaan Caleema-Saarka Cabdicasiis Lafta Gareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version