Wararka Soomaalida

Gudoomiyaha Baarlamanka oo magacaabay Gudi doorasho(Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta magacaabay guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ku saabsan. Guddigaan ayaa ka kooban 15 xubnood oo dhamaantood ah xildhibaano ka tirsan golaha shacabka. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa warbaahinta u aqriyay wareegtada magacaabista ee guddoomiye Mursal xafiiskiisa ka […]

Published

on

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta magacaabay guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ku saabsan.

Guddigaan ayaa ka kooban 15 xubnood oo dhamaantood ah xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa warbaahinta u aqriyay wareegtada magacaabista ee guddoomiye Mursal xafiiskiisa ka soo baxday.

Gudigan ayaa wuxuu ka hor imaanayaa gudi uu horay umagacaabay wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye waxaana dhinaca kale madaxtooyada Soomaaliya laga muujinayay shaki weyn gudigan uu maanta magacaabay Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version